Ra’isul-wasaaraha Jarmalka oo booqanaysa Sacuudiga, UAE iyo Raashiya

Angela Merkel ayaa maanta ka degtay magaalladda Jeddah ee Galbeedka dalkaasi, waxaa soo dhaweeyey Boqor Salmaan Bin C/casiis

Labada Hoggaamiye waxay yeelan doonaan kulan ay kaga hadli doonaan xiriirka labada Waddan iyo sidii gargaar loo gaarsiin lahaa Qaxootiga ka soo cararayo colaadaha ka socda dalalka Iraq iyo Syria.

Angela Merkel waxa kale oo u qorsheyan inay booqasho ku tagto dalka Imaaraadka Carabta, marka ay dhamaysato booqashadda ay ku joogto Sacuudiga.

 

Image result for ANGELA MERKEL IN JEDDAH

Dhinaca kale, Ra’isul-wasaarada Jarmalka waxay maalinta Talaadada soo socota booqan doonta dalka Raashiya, iyadoo Madaxweyne Valadamir Putin kula kulmi doonta magaalladda loo dalxiis tago ee Sochi ee Badda Madow.

Waana Booqashadeedii ugu horreysay oo ay Raashiya ku tagto 2-dii sanno ee la soo dhaafay.

©Radio Dalsan