Kulan ay maanta ku yeesheen xildhibaannada Baarlamaanka Galmudug xaruntooda Baarlamaanka ee magaalada Dhuusamareeb caasimada maamulka Galmudug ayaa uga dooday dhowr qodob
Kulanka ayaa waxaa shir gudoominayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr maxamed Nuur Gacal ayaa ajandihiisu ahaay
- Akhrinta 2aad iyo Dooda Hindise-Sharciyeedka Golayaasha Deegaanka Dawladaha Hoose
- Akhrinta iyo Dooda Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Ciidanka Booliska Galmudug
Gudoomiyaha Gudiga Amniga iyo Xaduudaha Baarlamaanka Galmudug Xildhibaan Xasan Xersi Faafaale ayaa sheegay in ka gudi ahaan ayaa wax kabadal ku sameeyeen qodobada ku qornaay Xeerkaan Dhismaha Ciidanka Booliska Galmudug
Sidoo kale Xildhibaanada ayaa aragtiyo kala duwan kadhiibtay in wax kabadal lagu sameeyo qodobaa qaar ee labadan sharci ee kala ah Hindise-Sharciyeedka Golayaasha Deegaanka Dawladaha Hoose iyo Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Ciidanka Booliska Galmudug
Baarlamaanka Galmudug ayaa inta uusan xirmin Kalfadhiga 2aad qorshahiisa tahay in dhowr Hindise Sharciyeedyo meel mariyo.”