Ra’iisul Wasaaraha Dalka Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in Miisaaniyada Xukuumadda ee loo gudbiyay Baarlamaanka intooda badan ay sameesay Xukuumaddii hore ee uu hoggaaminayay Xasan Sheekh Maxamuud.
Taasina ay ku qeexan tahay miisaaniyada loogu talagalay adeegyada Bulshada oo meel hoose ku jirto,waxaana uu sheegay in aysan miisaaniyadaas kujirin qarashkii lagu dhisi lahaa Isbitaalada Iskuulada iyo Wadooyinka.
Wuxuu kaloo Ra’iisul Wasaare Kheyre uu tilmaamay in arinkaan ay muujineyso marxalada dalka uu kujiro waqtigaan.
Hadalkan ayuu arbacadii maanta ka sheegay Xarunta General Kaahiye oo uu kula kulmay Qaar kamid ah Shaqaalaha Dowlada.
Halkan Ka Dhageyso Raisul Wasare Kheyre: