DEG DEG:-Taliyaha Nabad-Sugida Soomaaliya oo sheegay in talaabo laga qaadayo Dadkii ka dambeeyay dagaaladii Maanta

Taliyaha Ciidanka Nabad-Sugida Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sambaloolshe ayaa ka hadlay dagaaladii Maanta siwadjir ah uga kala dhacay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho kaas oo u dhaxeeyay Ciidamada Meleteeriga Soomaaliya iyo kuwa Nabad-Sugida Soomaaliya.

Taliye Sambaloolshe  ayaa sheegay in Dagaaladii ka dhacay Muqdisho Maanta baaritaano dheer ah  lagu sameyn doono  cidii ay ku soo baxdo ama ku lugyeelata  talaabo  laga qaadi doono,

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in Amniga Muqdisho haatan uu yahay mid hagaagsan  kooxihii Nabadda diidanaana  ee cadwga ahaana laga guuleestay.

Cabdullaahi Maxamed Cali Sambaloolshe taliyaha Ciidanka Nabad-Sugida Soomaaliya aya sheegay in ay jiraan dad radinaya Xumanta dowladda islamarkaana Baraha bulsahda ku dacaayadeyna,iyaga oo sheeganaya in ay  xasaanad leeyihiin.

Taliye Sambalooshe ayaa haatan shir Jaraa’id oo toos ah ku qabanaya Tv-ga Qaranka Soomaaliyeed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media