Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS mudane Maxamed Cumar Carteh iyo wasiiro ay ka mid yihiin Wasiirka Amniga, Waxbarashada, Qorshaynta, Diinta iyo Awqaafta, Warfaafinta iyo Deegaanka ayaa maanta kulan balaaran kula qaatay xafiiskiisa wafti ka socday Midowga Yurub oo uu hogaaminayo Madaxa Siyaasada Xiriirka Tom Vens. Waftigan ayaa ujeedkiisu yahay sidii Soomaaliya ay uga caawin lahaayeen dhinacyada amniga, ka hortaga tahriibka iyo dhanka waxbarashada, taas oo lagu salaynayo baahiyaha ay wasaaraduhu soo gudbiyaan. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ahmiyad weyn u leedahay sidii looga hortagi lahaa tahriibka taas oo dhibaato ba’an ku haysa dhalinyarada Soomaaliyeed. “Madaama dalka ay ka jirto shaqo la’aan ay sababeen colaadihii dalka soo maray, iyo dhibaatooyinka xagjirnimada waxaa sanad kasta sii kordhaya dhalinyarada u tahriibaya dalalka fog, waxayna la kulmaan dhibaatooyin kala duwan qaarkoodna waxayba naftooda ku waayaan xeebaha u dhaxeeya Liibiya iyo Yurub” ayuu yiri RW ku xigeenku. Sidoo kale, xubnaha wafdiga ayaa ballan qaaday inay muhiimada koowaad siin doonaan sidii dowladda Soomaaliyeed looga caawin lahaa shaqo abuur loo sameeyo dhalinyarada si ay ugu nagaadaan dalkooda. Dhanka kale, xubnahan ayaa sidoo kale ballan qaaday in midowga Yurub ay gacan ka geysan doonaan sidii fursado loogu abuuri lahaa gobolada iyo degaanada laga xoreeyey kooxaha Al shabaabka. —DHAMMAAD— |
Trending
- Dhageyso:- Barnamijka Wareegga Wararka 24-Ka Saac Ee Radio Dalsan 29/06/2022
- Dhageyso:- Warka Habeen Ee Radio Dalsan 29/06/2022
- Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo shacabka uga warbixiyey xaaladdiisa Caafimaad
- Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo magacaabay Guddoomiye ku-xigeen cusub
- Egeyga Abaaraha iyo Hantidhowrka Qaranka oo ka shiray howlaha Gurmadka Abaaraha
- Akhriso: Heshiis Dowladda Somalia iyo Sacuudiga qorsheynayaan inay kala saxiixdaan
- Dhageyso:-Warka Duhurnimo Ee Radio Dalsan 29/6/2022
- Wararkii ugu dambeeyay Qaraxyo xooggan oo ka dhacay magaalo kamid ah Itoobiya
- Madaxweynaha Somaliland oo Maanta Wasiir ku-xigeen cusub magacaabay
- Ra’iisul Wasaare Xamse Barre oo Maanta si rasmi ah uga shaqo bilaabay Xafiiskiisa