Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan cali kheyre,ayaa ka hadlay shirka looga hadlayo dhanka amniga ee ka socda Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya oo maanta galay maalintii labaad.
Shirka ayaa waxaa shalay furay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,waxana sidoo kale goobjoog ka ah Madaxda hoggaamiyaasha Maamul goboleedyada dalka ka jira.
Xasan Cali kheyre,ra’iisul Wasaaraha Sooamaliya oo ka hadlyay qaabka uu ku socdo shirka ayaa waxa uu yiri.
“Si isfaham ah ayuu shirku ku socdaa, waxana diiradda lagu saarayaa adkaynta amniga Soomaaliya iyo horumarka dalka.