Maxkamadda Old Bailey oo ku taalla magaalladda London ayaa xukun ku riday Muxiyadiin Mire oo 30-Jir ah, kaasi oo lagu helay inuu tooreey luqunta kaga dhaawacay Nin Muusikiste ah oo lagu magacaabo Lyle Zimmerman.
Eedeysanaha oo madaxa loogu jiro waxa uu Toorey ku dhaawacy Odaygaasi oo jir ah, isla markaana uu cabsi geliyey dad ku sugnaa Bosteejo laga raaco Tareenadda dhulka hoostiisa mara ee Leytonstone ee Bariga magaalladda London.
Garsoore Nicholas Hilliard QC ayaa ku xukumay Eedeysanaha xabsi dhan 8 sanno iyo bar. Wuxuuna xukunkaasi uga bilaaban doono Isbitaalka Dhimirka ee Broadmoor mental hospital
Garsoore Hilliard waxa uu sheegay inuu Eedeysanaha doonayey inuu dilo dad aan waxba galabsanin, isla markaana uu falkaasi ahaa mid Argagixiso.
Eedeysanaha oo horey u ahaan jirey Taksiile waxa uu bishii December 5-dii ee sannadkii hore Tooreey ku weeraray dad ku sugnaa Bosteejo laga raaco Tareenaadda dhulka hoostooda mara ee Waqooyiga London, wuxuuna weerarkiisa yimid 3 isbuuc kadib weerarkii ay Daacish ka geysteen caasimadda dalka Faransiiska ee Paris oo la sheegay in lagu dilay 300 oo qof.
©Radio Dalsan