Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo ka digay gaabis ku yimaada Taageeradda Beesha Caalamka ee Hawlgalka AMISOM

Hailemariam Desalegn waxa uu Baaqaasi jeedisay, mar uu shalay magaalladda Addis Abeba kula kulmay General David Muhoozi, oo ah Ergayga Khaaska ee Madaxweynaha Uganda, Yoweeri Museveni.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Xafiiska Ra’isul-wasaaraha Ethiopia ayaa lagu sheegay inay Labada Mas’uul ka wada hadleen Iskaashiga Hawlgalka ka dhanka ah waxa loogu yeero Argagixisadda iyo qoddobo kale.

Ra’isul-wasaaraha Ethiopia waxa uu ugu baaqay Hoggaamiyayaasha Gobalka Geeska Afrika inay si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii Nabad iyo Ammaan loogu soo dabaali lahaa Somalia iyo guud ahaan Gobalka.

Dhinaca kale, Ra’isul-wasaaraha Ethiopia waxa uu ka digay gaabiska taageeradda qalabka ee ka imaan jirey Beesha Caalamka inay culays weyn ku noqon doono Hawlgalka Nabad-ilaalinta Somalia, waa sida uu hadalka u dhigay.

Sida laga soo xigtay Hailemariam Desalegn waxa uu ku dooday inay Ethiopia mas’uuliyad ka saran tahay inay shaaciyaan walaacooda ku aadan inay u muujiyaan Beesha Caalamka welwelka laha Xaallafaha Ammaanka ee Gobalka iyo guud ahaan Qaaradda Afrika.