Saraakiil ka tirsan Ciiddanka Boliska ee qeybta loo yaqaano GSU ayaa la sheegay inay si dirqi ah kaga baadbaadeen qarax miino kula kacday Deegaanka Raxamu ee Mandhera ee W/bari ee Kenya.
Saraakiisha ayaa la sheegay inay ka ambabaxeen Saldhigga boliska ee Mandheera, iyagoo ku sii jeeday Buuraha Garreh, ka hor inta uusan qaraxu ku qabsanin Deegaanka Raxamu.
Shabakadda Wararka ee Nairobi News ayaa qortay inay Saraakiisha badbaadeen, balse uu qaraxu burbur u geystay gaarigii ay miinadda la kacday.
Ciiddan gurmad ah oo ka baxay Saldhigga Boliska Raxamu ayaa la sheegay inay gaareen goobtii uu qaraxu ka dhacay, waxayna soo gelbiyeen Ciiddankii miinada lala beegsaday, ka hor intaysan baaritaano ka samaynin nawaaxiga goobta uu qaraxu ka dhacay.