Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Itoobiya oo safarkiisii ugu horreeyey uga baxay dalkiisa 

Ra’iisul wasaaraha Cusub ee dalka Itoobiya Dr Abiy Ahmed, iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa waxa ay gaareen dalka Jabuuti.

Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa si weyn usoo dhoweeyay madaxda dalka Jabuuti oo uu ugu horeeyo madaxweynaha dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Jabuuti.

Safarka Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa ah kii ugu horreeyay ee uu ugu baxo dalka dibadiida,waxana la filayaa inuu madaxda dalka Jabuuti kala hadlo arrimo muhiim ah oo ay ugu horeeyso xoojinta xiriirka labada dal.