Duqii hore ee Muqdisho Taabit Cabdi oo goobjoog ka noqon doona Ciyaarta xulka 17-jirada Somalia iyo dhigooda Tanzania

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana duqii Muqdisho Taabit Cabdi ayaa Caawa waxa uu gaaray Magalada Bujumbura ee dalka Burundi  si uu goobjoog uga noqdo Ciyaarta xulka 17-jirada dalkeena iyo dhigooda Tanzania.

Taabit ayaa sheegay in Ciyaarta Beri uu goobjoog ka ahaan doono, isla markaana uu siweyn uga mid noqon doono taageerayaasha xulka 17-jirada Soomaaliya.

“Waxaan caawa nabad tagay magaalada Bujumbura, Burundi si aan mooralka ugu dhiso cayaariyahanadeena Qaranka ee 17 jirada. Waxaan ka mid noqondoonaa tifoosayaasha biri si live ah ugala qeyb qaadanaya cayaarta finalka ayuu yiri Taabit Cabdi.

Sidoo kale waxa uu Shacabka Soomaaliyeed iyo cidwalba oo awooda in uu tago Burundi uu ugu baaqay in uu siweyn u taageero xulka Qaranka Soomaaliya oo beri kulanka fiinalaha la leh xulka Tanzania.

“Waxaan ummadda soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay ka qeybqaataan moraal-dhisidda wiilasheena oo qofkii imankara yimaada, waana naga mudanyihiin oo ciso iyo sharaf bey calankeena iyo ciiddeena usoo hoyiyeen. Inshallahu guul cayaarta biri dhicidoonta.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media