DEG DEG:-Turkiga oo Gargaar Bani’aadanimo geynaya M/Baladweyne

Hay’adda Bisha Cas ee Turkiga ayaa gar gaarkii ugu horeeyay gaarsiineysa shacabka magaalada baladweyne ee uu ku fatahay wabiga Shabeelle.

Turkiga oo ah walaalka dhabta ah ee Somalia isla markaana shacabka Somaliyed u gurmada waqtiga saxda ee loo baahanyahay ayaa gar gaarka bini aadmino uga jawaabaya cabashada shacabka reer HIiiraan oo ay cunooyinkoodii iyo guryahoodii ay baabi’iyeen fatahaada wabiga.

Kumanaan ruux ayaa ku barakay fatahaada wabiga magaalada Beledweyne iyadoo ay sii kordhayeen baaqyada ku aadan in loo gurmado shacabka reer Hiiraan ee fatahaadu saameysay.

Ra’iisul wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre iyo madaxweynaha Hirshabeelle ayaa kamid ah mas’uuliyiintii ugu horeysay ee ku baaqay in si deg deg ah looga jawaabo baaqa shacabka reer Hiiraan isla markaana gurmad deg deg ah loo fidiyo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media