Dalka Kenya maanta waa Maalin Doorasho, iyadoo 19 million oo ka mid ah Muwaadiniinta dalkaasi u codeyn doonaan Madaxweynaha cusub ee dalkaasi.
Jawi Kacsanaan Siyaasadeed iyo Dibadbaxyo ayaana maanta laga dareemayaa dalkaasi, gaar ahaan Deegaanadda ay Taageerayaasha Isbahaysiga Mucaaradka NASA ku xooggan yihiin.
Dadka Soomaalida iyo Ajaaniibta ku nool dalkaasi waxay Dareen ka muujinayaan Natiijadda Doorashadda iyo Kacdoonka Mucaaradka kaga soo horjeedaan Cod-bixintaasi.
Hoggaamiyaha Mucaaradka, Raila Odinga oo mar Ra’isul-wasaare ka soo noqwday dalkaasi ayaa sheegay inuusan aqoonsan doonin Nariijadda ka soo baxda Doorashadaasi, wuxuuan ku goodiyey inuu dhisayo Dhaqdhaqaaq Wax Iska Caabin ah.
Haddaba, haddaynu eegno Dareenka dadka Soomaalida ku nool dalkaasi, waxaa laga dareemi karaa Cabsi Xooggan, iyagoo ka baqanaya inuu dalka Kenya madaxa la galo Xiisado Siyaasadeed iyo Colaad Sokeeye.
Ganacsatadda Soomaalida ku nool dalkaasi ee mehrada badan ku leh magaallooyinka waa weyn, gaar ahaan Xaafadda Islii ee Nairobi ayaa albaabadda u laabay goobahooda Ganacsiga, si aysan saamayn ugu yeelanin Dibadbaxayaasha ka bilowday qeybo ka mid ah Degmooyinka dalkaasi.
Qaar ka mid ah Ganacsatada ayaa Warbaahinta u sheegay inay ka feejigan yihiin Xiisadaha ka dhalan karta Doorashadda lagu murunsan yahay, isla markaana ay ka dhur sugayaan inta Cod-bixinta laga soo gebagebaynayo gelinka dambe ee maanta,
Ganacsatada Soomaalida ayaa sheegay inaysan ku lug lahayn Siyaasadda, ee ay yihiin Ganacsato ku mashquulsan Hawlaha Baayac-mushtarka.
Dhismayaasha Ganacsiga ee ay Soomaalida ku leeyihiin Xaafadda Islii ee magaalladda Nairobi ayaa maanta wada xiran, waxayna inta badan Ganacsatada hor taagan yihiin goobahooda Ganacsi, iyagoo sheedda kala socda Cod-bixinta Doorashadaasi iyo Dhaqdhaqaaqyadda ka jira Nawaaxigooda
Sidoo kale, Boqolaal Kun oo Qaxooti Soomaali ah ayaa ku nool dalka Kenya, kuwaasi oo walaac xooggan ka qaba haddii uu faraha ka baxo Ammaanka dalkaasi.
Qaxootiga waxay horey ula liicayeen Daruufo Nololeed iyo mid mustaqbal, waxayna Hay’addaah QM aad u yareeyeen qiyaasta Raashinka Qalalan ee la siiyo Qoysaska Qaxootiga.
Dareen culayskiisa leh ayaa laga cabsi qabaa xaalladda Bukaanadda Soomaalida ee lagu daaweynayo Isbitaalladda dalkaasi, haddii ay sii socdaan Xiisadda Siyaasadeed, Dibadbaxyadda iyo Rabshadaha Hubeysan.
Si kastaba ha ahaatee, Soomaalida-Kenyaanka ee Deegaan ahaan ka soo jeeda Goballadda W/bari ee dalkaasi ayaa dadaal xooggan ugu jira sidii ay u difaaci lahaayeen haddii ay dadka Soomaalida dhibaatooyin kala kulmaan Xilliga Kala-guurka Doorashadda ee Kenya.