Wararka aan ka hleyno qeybo ka mid ah degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in qarax Miino oo khasaaro geestay uu ka dhacay duleedka degmadaas.
Qaraxaan ayaa ahaa Miinada nooca dhulka lagu aaso,waxana loo dhigay gaari ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Amisom gaar ahaan Burundi.
Al-Shabaab ayaa War ay ku soo qoreen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka ayaa waxa ay ku sheegeen in Qaraxaasi ay ku gubeen mid ka mid ah Gawaarida Ciidamada Amisom.
Dhanka kale xiriir aan la sameynay Maamulka degmada Mahadaay ayaanan noo suurtagelin si aan wax uga weeydiino faah faahinada qaraxaasi miino.