Ilaa 3 qof oo labo ka mid Askar ahaayeen ayaa ku geeriyootay qarax bam gacmeed lagu weeraray Suuqa Xoolaha ee Degmadda Afgooye ee Gobalka Sh/hoose.
Maleeshiyo hubeysan ayaa bamka ku tuurtay Suuqa, xilli uu si habsami leh u socday Kala-iibsiga Xoolaha, oo maalinta Arbacadda loo soo iib geeyo Suuqaasi, waxayna Maleeshiyadda beegsadeen Askari canshuur ka qaadaysay Ganacsatadda Xoolaha u iib keensatay Suuqa.
Dhinaca kale, dhowr qof ayaa ku dhaawacantay qaraxaasi oo ay dadku isla dhex marayaan inuu ahaa Bam-gacmeed ama Miino nooca la hago oo lagu aasay bartamaha Suuqaasi.
Sidoo kale, qaraxa waxa uu waxyeelo dhimasho iyo dhaawac soo gaarsiiyey xoolo ka mid ahaa kuwii iibka loo keenay Suuqa Afgooye.
Ma jirto dad loo soo qabtay qaraxaasi, waxaynaCiiddankii ku sugnaa Suuqa fureen rasaas, markii uu qaraxu dhacay.
@Radio Dalsan