Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la’qaatay saraakiisha ciidamada

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed cabdullahi Farmaajo ayaa kulan gaar ah xarunta madaxtooyada kula qaatay saraakiisha ciidamada dowlada.

kulankan oo looga arinsanayay arimaha la xariira amniga ayaa waxaa ka qeybgalay taliyayaasha Ciidamada Booliska, Nabad Sugida, Milatariga, Abaanduulaha Ciidannka Xooga dalka Soomalaiya iyo taliyayaasha Booliska iyo Nabad Sugida Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha ayaa saraakiisha u sheegay iney tahay waxaan la aqbali karin in maalin kasta Muqdisho dilal ay ka dhacaan isla mar ahaantaasina aaney gacanta lagu soo dhigin dadka wax dilay oo lagu soo koobo warka oo kaliya Kooxihii wax dilay ayaa baxsaday.

Ugu danbeentii madaxweynaha ayaa kula dar-daarmay saraakiisha in ay adkeenyaan amaanka caasimada Muqdisho iyo goobaha kale oo ay dowlada gacanka ku heeso.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media