Qalab looga shakisan yahay waxyaabaha qarxa oo laga helay Suuqa Islii ee Nairobi.

Khubarada ku takhasustay waxyaabah qarxa ayaa baaritaan ku haya qalab wareegsan oo saqdii dhexe ee xalay la dhigay Suuqaasi.

Sarkaalka Waaxda Dembi-baarista Saldhigga Boliska ee Starehe ee magaalladda Nairobi, Kibrenge Seroney ayaa sheegay in qalabkaasi laga shakiyey laga helay Jidka 11th Street ee Xaafadda Islii.

Wargeyska The Star ayaa qoray in Bolis ilaalo ku marayey Jidkaasi abaarihii 1:00 Habeenimo ee Saqdii dhexe ee xalay arkeen Haweeney wadata Baqshad, taasi oo baxsatay, markii ay Boliska ku amreen inay joogsato.

Qalabka laga shakiyey ee ay haweeneydaasi dhigtay ayaa waxa uu ku dhex jiray Baqshad lagu qarinayey, sida ay sheegeen Boliska.

Boliska wey aqoonsan waayeen Haweeneydaasi oo baxsatay, kadib, markii ay Boliska aragtay.

Si kastaba ha ahaatee, Ganacsiga ugu badan ee Suuqa Islii waxaa iska leh Ganacsato Soomaaliyeed, kuwaasi oo maalgashi xooggan geliyey Dhismayaasha iyo Ganacsiga Xaafadda Islii oo hoy u ah Kumanaan kun oo Soomaali ah.

©Radio Dalsan