Nin lagu tuhunsan yahay dabkii baabi’iyey Baar ay Soomaalida lahaayeen oo la baadigoobayo.

Boliska magaalladda Grand Forks ee Gobalka North Dakota ee dalka Maraykanka, waxay baadi-goobayaan Nin Maraykan ah oo lagu tuhunsan yahay inuu ka dambeeyey dabkii baabi’iyey Baar laga cunteeyo oo ay Ganacsato Soomaali lahaayeen.

Maxkamadda magaalladda Grand Forks ayaa amartay in la soo xiro Eedeysanahaasi oo lagu magacaabo Mathew William Gust oo 25-jir ah.

FBI-da ayaa waxay Khamiistii xaqiijiyeen inay fureen Baaritaanka dabka baab’iyey Baarka lagu magacaabo Jubba Coffe House and Restaurant, waxayna heleen dhalooyinka gaaska ku jireen oo lagu ololiyey Goobtaasi.

Investigators could be seen taking pictures of the site and digging through debris at Juba Coffee House, where a fire broke out in the early hours of Tuesday morning. Grand Forks Herald photo by Sarah Volpenhein.

Milkiilayaasha Baarkaasi ayaa sheegay inuu dabku u geystay khasaaro lagu qiimeeyey 90,000 oo Dollar.

Dhinaca kale, Ninka loo baadi-goobayo Falkaasi ayaa la sheegay in laga bar aqoonsaday Kameerooyinka Qarsoon (CCTV) ee ku xiran Jidka uu ku yaallo Baarka la gubay.

© Radio Dalsan