Rag ku hubeysnaa bustoolado ayaa gelinkii dambe ee Maanta waxaa qeybo ka mid ah degmada Dharkenley ee Gobolka Banaadir waxa ay ku dileyn Mabadoon Caanka ahaa degmadaas.
goobjoogayaal waxa ay sheegeen in nabadoonka oo lagu magacaabi jiray Nabadoon Saleemaan Abiikar Fooldheere lagu dilay Waaxda Saddexaad ee Xaafada dabaqeynka ee degmada Dharkenley,iyada dadkii ka dambeeyey dilkaas ay goobta ka baxsadeen.
Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa goobta dilka ka dhacay gaarey iyaga oo dhalinyaro farabadan dillaasi u qab qabtay.
Warar soo baxayay ayaa waxa ay sheegayaan in nabadoonka la dilay uu ka mid ahaa Ergadii soo dooratay xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.
Sikastaba maalmihii lasoo dhaafay ayaa magalada muqdisho waxaa joogta ka noqday falalka amnidarro gaar ahaan dilalka qorsheysan oo masuuliyadooda ay sheegtaan Al-Shabaab.