Ugu yaraan 10 qof oo 6 ka mid u dhasheen dalka Shiinaha ayaa lagu dilay qarax maanta lala beegsaday Bas marayey Gobalka Fog ee ku yaalla Bariga dalkaasi. Qaraxaasi waxaa kale ku dhintay 2 Askari oo Pakistaani ah, kuwaasi oo Ilaalo Khaas u ah Muwaadiniinta Shiineeska ee qaraxa lala beegsaday,
Waxaa la la’ yahay raqdooda iyo ruuxooda Injineer Shiinees ah iyo Askari u dhashay Pakistan.
Ma kala cadda haddii uu qraxaasi ahaa miino lagu aasay Wadada iyo in lagu rakibay Baska gudihiisa.
Sarkaal sare oo ka tirsan Maamulka Gobalka Hazzara ayaa u sheegay Wkaalladda Wararka REUTERSin Baska la qarxiyey ay la socdeen 30 Injineer oo Shiinees ah, kuwaasi oo Biyo-xireen ka dhisayey Deegaanka Sare ee Kokistaan.
Sarkaal kale oo ka tirsan Boliska oo la hadlay REUTERS waxa uu sheegay inay tirade dhimashada gaartay 13 qof oo 9 ka mid ah u dhasheen Shiinaha iyo 2 Askari oo ka tirsan Milliteriga Pakistan.
Dhinaca kale, AfhayeenkaWasaaradda Arrimaha Dibedda ee Shiinaha, Zahao Lijiyaan waxa uu sheegay inay cambaaraynayaan Qaraxaas lala beegsaday Muwaadiniinta Shiinaha.
Afhayeenka oo Shir Jaraa’id ku qabtay Caasimadda Pejing waxa uu Dowladda Pakistan ka codsaday baaritaanka weerarkaasi iyo in la ilaaliyo Ammaanka Shaqalaha Shiinaha, Hay’addahooda iyo Mashaariicda ay ka hirgelinayaan Pakistan.