Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo ciidamada dowladda fedraalka Soomaaliya iyo dagaalyahano hubaysan oo ka tirsan Alshabaab ku dhexmaray degmada Buulo Burde ee gobolkka Hiiraan.
Dagaalkaan ayaa yimid kadib markii dagaalamayaal hubaysan oo ka tirsan Alshabaab ay xalay weerar culus kusoo qaadeen saldhig ciidamada Milatariga Soomaaliya ay ku leeyihiin degamada,waxaana dagaalkaas la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idacada dalsan ayaa sheegay in xalay saqdii dhexe mar qura ay maqleen daryanka madaafiic iyo rasaas ay isku adeegsanayaan labada dhinac isla markaana uu ka dhashay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Wararka saaka laga helayo degmada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan ayaa tilmaamaya in xaaladdu ay degantahay isla markaana ciidamada milatariga saldhigoodii ay ku suganyihiin.