Waxaa maalintii 2-aad magaalladda Muqdisho ka socdo Shir ballaaran oo uu guddoominayo Suldaanka Guud ee Beesha Wacaysle, Maxamed Cabdi Shido, kaasi oo looga hadlayo Go’aankii laga qaadan lahaa Saxiixa iyo Ergadda Been Abuurka ee la doonayo in lagu boobo Kursiga Beesha Absuge ee Aqalka Hoose ee Barlamaanka cusub ee Federalka.
Ka-qeyb-galayaasha oo ay ka mid yihiin Siyaasiyiin, Aqoonyahano, Musharixiin iyo qeybaha Bulshadda ayaa lagu lafa-guray Marin-habaabinta Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku sameeyey Kursigii qoondada Haweenka ee saamiga u heshay Jufada Cali Gaaf ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh ka soo jeedo.
Waxgaradka Beesha Absuga ayaa mar kale ka digay Isku-dayga lagu doonayo in lagu boobo Kursiga ay ku leeyihiin Aqalka Hoose ee Barlamaanka Federalka.
Suldaanka Guud ee Beesha Wacaysle, Maxamed Cabdi Shido ayaa horey u asteeyey inay Jufada Cali Gaaf saami u heleen xubinta Qoondada Haweenka, balse, uu Madaxweynuhu hareer-maray saamigaasi , isla markaana uu Kursigaasi ku fariisiyey Ku-xigeenka Agaasimaha Madaxtooyadda, Saadaq Macallim C/kariim.
Madaxtooyadda Somali iyo Madaxtooyadda Galmudug ayaana ka shaqeeyey Shirqoolkaas, maadaama Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha Galmudug, C/kariim Xuseen Guuleed yihiin Saaxiibo leh Dano Siyaasadeed oo Mideysan.
Waxgaradka, Aqoonyahanadda iyo Odayaasha Dhaqanka ee Beesha Absuge Wacaysle waxay kaloo sheegeen inay xiriir la sameeyeen Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaranka, Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka, Madaxweynayaasha Dowlad-gobaleedyadda Puntland, Jubbaland iyo Madaxda Beesha Caalamka.
Dhinaca kale, Waxgaradka, Aqoonyahanadda iyo Odayaasha Dhaqanka ee Beesha Absuge Wacaysle waxay berrito qaban doonaan Shir Jaraa’id oo looga hadlayo Masiirka Kursiga Beesha Absuge ku leeyihiin Aqalka Hoose ee Barlamaanka Federalka.
Suldaanka Guud ee Beesha Wacaysle, Maxamed Cabdi Shido ayaa ah qofkii ugu horreeyey ee Madaxweyne Xasan Sheekh u saxiixa Kursiga Siyaasadeed ee uu haatan ku fadhiyo sannadkii 2012-kii.
Xasan Sheekh Maxamuud inta uusan Siyaasadda ku soo biirin waxa uu ka shaqeyn jirey Hawlaha Arrimaha Bulshada, gaar ahaan isagoo Macallin ka ahaa mid ka mid ah Jamaacadaha ka furan Muqdisho.
©Radio Dalsan