Afhayeenka Milliteriga Iraq ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin in dad rayid ah lagu dilay Dugsigaasi oo gabaad u ah dad rayid ahaa, wuxuuna xusay in ay Daacish u adeegsan jirtey dhismahaasi Wershad lagu farsameeyo Qaraxyadda.
Kooxda Daacish ayaa sheegtay in duqeyntaasi lagu dilay 68 qof oo ay ku jireen 47 carruur iyo haween, isla markaana lagu dhaawacay 86-kale.
Wakaalladda AMAQ ee warka u faafisa Daacish ayaa sheegtay inay Diyaaradaha Isbahaysiga Maraykanka ka dambeeyeen Duqeyntaasi.
Milliteriga Iraq ma aysan xaqiijinin tirada dadka wax ku noqday Duqeyntaasi, balse, waxay sheegeen inay Daacish gabaad ka dhigtaan dadka rayidka.
©Radio Dalsan