Mid ka mid ah Wadooyinka ugu Muhiimsan  Muqdisho oo Maanta xiran

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xiray qeybo ka mid ah Wadada Maka-Almukarama ee gudaha Magaalada muqdisho.

Wadadaan ayaa ka xiran laga bilaabo Wadada Shaqaalaha ilaa isgoyska Zoope,waxaan Ciidamadu ay u diidayaan in ay Gaadiidka isticmaalaan,sida uu soo sheegayo mid ka mid ah Wariyaasha oo wadadaas ku socdaalay.

Dadka ayaa la arkayaa iyaga oo siraxan raxan ah u lugeynaya ha ahaadan kuwa ka imaanaya goobahooda waxbarasho iyo kuwa kale ee howlahooda caadigaa ah wata.

Wadada Maka-Almukarama ayaa waxa ay ka mid tahay wadooyinka ugu mashquulka badan Magaalada Muqdisho,waxana mararka qaar ay u xirantaa Gaadiid farabadan oo wadadaas ku xayirma xiliyo ay baaritaano socdaan.

Ilaa iyo hada lama oga waxyaabaha sababay in ciidamadu ay wadadaas u xiraan,waxaana ka soo baxaya warar kala duwan.

Wixii ku soo kordha kala socda radiodalsan.com