Waxaa maanta dagaal culus uu markale dib uga qarxay deegaanka Kaxandhaale oo ku yaalla gobolka Galgaduud, dagaalka ayaa laisku adeegsaday gawaarida tiknikada, sida ay sheegayaan dadka deegaanka.
Dagaalka ayaa u dhexeeya maleeshiyo beeleed isku haya dhul dhaaqsimeed.
Waxaa mararka qaar go’aya khadka isgaarsiinta taasina waxay dhalisay in faahfaahin dheeraad ah laga heli waayo khasaaraha maanta ka dhashay dagaalka.
Dhawaan dagaalkii ka dhacay Kaxandhaale waxaa ku dhintay dad ku dhaw 20 qof halka halka ugu yaraan 40 qof ay ku dhaawacmeen.
Dadka dhaawaca ah waxaa loo qaaday isbitaallada aggaasi halka qaarkood la keenay Magalada Muqdisho.
Wararkii u dambeeyay ee Caawa naga soo gaaraya deegaanka Kaxandhaale ayaa waxa ay sheegayaan in xaaladilu haatan ay tahay mid drgan,hayeeshee maleeshiyaadkii dagaalamay ay ishor-fadhiyaan.