Mid ka mid ah masuuliyiinta ku dhow dhow Madaxweynaha Soomaaliland oo la xiray

Wararka naga soo gaaraya Magalada Hargeysa ayaa waxa ay sheegayaan in Xabsiga la dhigay mid ka mid ah Masuuliyiinta Maamulkaas kana tirsan Xisbiga talada haya ee Kulmiye.

Ciidamada Ammaanka Soomaaliland ayaa wax ay xireyn Cabdillaahi Ibraahin Xaaji Xasan oo ah Afhayeenka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliland,sidoo kalena uu xubin firfircoon ka yahay Xisbiga uu ka tirsan yahay Madaxweyne Muuse Biix Cabdi.

Weli lama cadeyn sababta ka dambeysa xariga masuulkaas,iyada oo aysan faah faahin ka bixin laamaha kala duwan ee Amniga Maamulkaas.

Maamulka Soomaaliland ayaa sanadihii ugu dambeeyey waxaa lagu xiray dad farabadan oo lagu eedeynayo in ay ku dhaqaaqeen fal lidi ku ah qaranimada Maamulkaas,balse masuulka Maanta la xiray ayaan weli la shaacin sababta loo xiray.