Ciidamada Kumaandooska Xoogga Dalka ee Danab, iyo Guutada 11-aad Qeybta 43aad Ciidanka Xoogga iyo kuwa daraawiishta Jubbaland ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay howlgalo ka dhan ah Al-shabaab ay sameeyeen deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.
Ciidamadan ayaa howlgalka intii uu socday waxaa kula wareegeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan Jubbada Hoose, waxaana kamid ah Janaale gaay, Reerneeroow, Bandar Jadiid, dhinaca wabiga markii laga talaabo iyo degaanka Bengaani, oo qiyaastii 37 km ujirta Kamsuuma,
Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xooga ayaa waxaa ay sheegeen in Ujeedka howlgalkan uu ahaa mid Al-shabaab looga saarayay deegaano dhowr ah oo Gobolka Jubbada Hoose ay ku sugnaayeen.
Taliyaha Ururka 5aad Guutada 16aad Kumaandooska Xoogga Dalka ee Danab Xasan Aadan Maxamed (Ciraaqi) Warbaahinta Ciidamadda Qalbaka la hadlay ayaa u sheegay in Al-shabaab ay howlgalka kaga dileen 12-dagaalame, halka 15-kalena kaga dhaawaceen in mid ay nolosha kuqabteen, waa sida uu hadalka u dhigay.
Taliyaha ayaa intaasi ku daray in howlgalka inat uu socday ee 9 mino ayaa sosaran Ciidanka, isla markaana isla markaana ay sii wadidoonaan howlgalka inta ay Al-shabaab kaga saarayaan degaanada ay kaga sugan yihiin Jubooyinka.