Maxkamada Militariga oo dil Ku xukuntay Dadkii dilay Wariye Hindiya xaaji Maxamed

Maxakamada Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka sida ayaa Maanta xukun isugu jiray Dil,Maxbsi daa’in iyo xarig dhowr sanno ah waxa ay ku riday Lix qof oo lagu helay iney ka dambeeyen Dilka Wariye Hindiya Xaaji Adan oo u shaqeyneysay Radio Muqdisho iyo SNTV.

Maxkamadaa ayaa ku xukunkaasi ku riday:-

Cabdirisaaq Maxamed Barow Cadow Xukun dil ah.

Xasan Nuur Cali

Macalin Maxamed Abuukar Cali

Macalin Maxamed Sheekh Yuusuf Dhamaan seddexdaasi ruux waxa lagu xukumay Xabsi daa’in.

Halka Muxudiin Cismaan Maxamed Cawaale iyo Cali Xasan Adan ay Maxkamada ku xukuntay muddo 5 sanno oo xarig ah.