William Ruto oo sheegay in Xag-jirnimadda Dhallinyarradda fududeeyaan Xawaaladaha

Madaxweyne-ku-xigeenka Kenya, William Ruto ayaa hadalkaasi ka sheegay Shirweynaha Caalamiga ee ka socda maagalladda Nairobi ee looga hadlayo Xag-jirnimadda Geeska Afrika.

Waxa uu tilmaamay in taageeradda Xag-jireynta Dhallinyarradda fududeyaan Lacagaha laga soo xawilo Caalamka iyo isticmaalka Warbaahinadda Bulshadda ee  lagu baahiyo Nacaybka.

Waxa uu intaasi ku daray in colaadaha Xag-jirnimadda inay ku baaheen Caalamka, wuxuuna si gaar ah u magacaabay Kooxaha Islaamiyiinta ee Alshabaab, Boko Haram, Dacaish iyo Alqaacida.

Waxa uu ku eedeeyeey Kooxahaasi inay weli wadaan weeraradda ay la neegsadaan dadka birri-ma-gaydada ah.

Dhinaca kale, Mdaaxweyne-ku-xigeenka Kneya, waxa uu ugu baaqay Beesha Caalamka in hal cod oo mideysan ku shaaciyaan La-dagaalanka Kooxahaasi oo uu xusay inay tiradooda kordhayso, isla markaana ay dhibaato ku hayaan Caalamka, waa sida uu hadalka u dhigay.

© Warqabadka Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor