Dhageyso:Maxkamada Ciidamada qalabka sida oo maanta xukun dil ah ku riday laba askari oo katirsanaa Ciidamada Xooga Dalka.

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa khamiistii maanta go’aan ka gaartay gal-dacwadeedka laba askari oo katirsanaa ciidamada xooga dalka,kuwaa oo lagu eedeyay in ay geesteen dil bareer ah iyo dhaawac,kadib markii  horaantii bishii janaayo ay  weerar ku qaadeyn saldhiga ciidamada boliska ee Degmada Holwadaag,halkaa waxaa ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac

Gudoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida Xasan cali shuute ayaa suxufiyiinta u akhriyay go,aanka ay maxmadu ka gaartay askartaasi katirsanaa ciidamada dowlada.

Halkaan ka dhageyso Xasan Cali Shuute: