Maxamed Ibraahim Pakistan: “Ma ihi Musharax u taagan Hoggaanka NUSOJ”.

Xoghayihii Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ), Maxamed Ibraahim Pakistan ayaa maanta shaaciyey inuusan ahayn Musharax u taagan Hoggaanka cusub ee NUSOJ.

Maxamed Pakistan ayaa hadalkaasi ka hor sheegay kadib, markii uu Guddiga Xalinta Khilaafka NUSOJ iyo Wasiirka Warfaafinta, Dalxiiska iyo Dhaqanka ee Xukuumadda Federalka, Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ku wada kulmeen Shir maanta ka dhacay Hotelka SYL ee magaalladdan Muqdisho.

Waxa uu tilmaamay inuusan ahayn Musharax, balse uu diyaar u yahay inuu la shaqeeya Madaxda cusub ee NUSOJ, haddii si caddaalad leh loo soo doorto.

NUSOJGo’aanka uu ku dhawaaqay Xoghayihii Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ), Maxamed Ibraahim Pakistan ayaan la ogeyn inuu ka dhashay haddii uu fashilmay Heshiiskii la dhex dhigay  isaga iyo Garabka kale ee Xoghayihii Guud ee NUSOJ Cumar-faaruuq Cismaan.

Khilaafka Hoggaanka Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ waxa uu soo taagnaa Shantii sanno ee la soo dhaafay, wuxuuna Khilaafkaasi saamayn ku yeeshay Sumcadda Guud ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed, iyadoo Hay’addaha Caalamiga ee taageera Saxaafadda Somalia ku jahwareereen Khilaafka Hoggaankii NUSOJ.

Dhinaca kale, Qabanqaabo ayaa socota oo ay Suxufiyiinta ku sugan magaalladda Muqdisho kaga tashanayaan Doorashadda Hoggaanka Cusub ee NUSOJ, waxaana durbadiiba la hadal-hayaa Musharaxa loo dooranayo Xoghayaha Guud ee Hoggaanka cusub ee NUSOJ.

©Radio Dalsan