Maxaa kala haysta Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xildhibaanadda Moshin-jecelka ?

Seeftii Xildhibaanadda Mooshin-jecelka ayaa mar kale galka lagala baxay, kadib, markii ay 93 Xildhibaan soo gudbiyeen Moshin ay kaga soo horjeedaan Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay Xildhibaanadda horey ugu doorteen Xilkaasi Qaran bishii September 10-dii ee sannadkii 2012-ka.

Marka la soo hadal qaado Moshin waxaa la dareemaa inaysan xaalladu caadi ahayn, waxaana majaraha lala galaa Kacsanaan Siyaasadeed, wana hubaal in xusul-duub loo galo Xarig-jiid Siyaasadeed, iyadoo ay Koox kasta muujinayso inay ku taagan yihiin Sharciga Qaranka.

Waa hubaal in Xildhibaanadda si boor isku qaris leh u muujiyaan inuu Mooshinkooda yahay mid ay in muddo ah ka arrinsanayeen, balse Saxaafaddu marna ma caddayn karto in Mooshin kasta laga sameeyo Tashaawar iyo Falaanqeyn dhamaystiran, ka hor intaysan Xildhibaanaddu daaha ka rogin Mooshinka la siyaasadeeyo ama lagu lifaaqay Dareenka Isbahaysiyo.

Marka Falaanqeyn kooban lagu sameeyo xilliyadda ay Xildhibaanadda diyaarinayaan Mooshinka, waxaa  hubaal ah inay tahay marka ay Xildhibaanadda guda-galaan Xilliga  Jiilaalka Siyaasadeed oo ay xaalladu caynba-cayn tahay, laguna halqabsan karo Maahmaahda Soomaaliyeed ee ka turjumayso Jiilaalka daran ee Daanba daanka kaluu maciin bidaa.

Xildhibaanadda Mooshinka hor-boodayo ayaa lagu tilmaamaa inay intooda badan yihiin Xildhibaanadii hore Mooshinka uga soo gudbiyey Madaxweyne Xasan Sheekh, balse markii dambe Is-faham hoose lagu xaliyey, laakiin, Xildhibaanadda ayaa haatan u muuqda kuwo uu ka tan badiyey saluug badan, oo dhinaca Maamulka.

Siyaasiyiinta ka biyo diidsan Mooshinkaasi, ayaa rumeysan in Moshinka looga dan leeyahay Isbaaro Siyaasadeed iyo in lagu wiiqo Tallaabsiga Dowladda ee dhinacyadda Ammaanka, Dhsimaha Maamul-gobaleedyadda iyo Hawlgalladda kale.

Laakiinse, Siyaasiyiinta taageeradda u haya Moshinkaasi ayaa rumeysan in loo baahan yahay in Madaxweynaha lala xisaabtamo. Lana tusiyo in ay Xildhibaanadda Barlamaanka Federalka ka keeni karaan Moshin isaga ka dhanka ah.

Waana Dhaqan Dimuqraadiyad in Madaxda Qaranka lala xisaabtamo, haddii ay baal maraan Dastuurka iyo Danaha Qaranka amaba ay ku-takri falaan Awoodda Maamulka iyo Hantida Qaranka.

Hadafka guud yahay ee Isla Xisaabtanka  waa inuu noqdaa mid si saraaxad leh loogu  tuurxaan bixiyo Mugdiga Taagan, iyadoo Kooxda keenta Moshinka laga doonayo inay Madasha Qaranka, siiba Barlamaanka iyo Xukuumadda Federalka ku soo bandhigaan arrimaha ay qoonsadaan iyo Caddaymaha muuqda ee asaaska u ah Qoddobadda ay cuskadaan Moshinkooda.

Waana qalad Qaran iyo Khibraad la’aan haddii ay Koox u aragto in isla xisaabtanku loo adeegsado Ficil u muuqda Isbaaro Siyaasadeed iyo in Khalkhal Siyaasadeed la abuuro, lana carqaladeeyo Danaha Qaranka amaba si gaar ah Mas’uul ama Mas’uuliyiin cayiman lala raaco Eedeymo la siyaasadeeyo amaba hab-dhaqan kale oo xaallado lagu awr-kacsanayo.

Waxaa kaloo Garnaqsi noqon Karin haddii Moshinka laga dhigto Igar-Siyaasadeed aan lahayn raad-raacyo sugan, balse looga dan leeyahay in lagu abuuro Jahwareer Siyaasadeed, mid Maamul iyo Bulsho.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in Moshinka ka dhanka ah Madaxweynaha la abaabulay, markii ay soo baxeen Guuxa ku aadan inuu jiro Qorshe la isugu  shaandheynayo Golaha Wasiiradda ee Federalka, inkastoo aan si rasmi ah loogu dhawaaqin inuu jiro qorshaha Isku-shandheyntaasi iyo in kale.

Waxaana suurtogal ah in ay Xildhibaanadda Moshin-jecelka  uu ku laran yahay Dareenka Xil-jecelka, illayn xaajadda taagan ayaa lala barbar dhigi karaa  Hal-ku-dhegga “ La-qabso, Ku qadi maysid”.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa isweydiin mudan, Maxaa kala haysta Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xildhibaanadda Moshin-jecelka ah ?, Mise la gaari doonaa Xeer Jajab, si loo badbaadiyo Jiritaanka Dowladda Federalka iyo Danaha Qaran.