Masar oo sheegtay inay Dowladda Federalka ka taageerayaan La-dagaalanka Alshabaab

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Masar, Badar Abdal-atti ayaa sheegay inay Dowladda Masar si kulul u cambaaraynayso Isqarxintii ay Alshabaab dhawaan ka fuliyeen magaalladda Muqdisho.

War Saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka ayaa waxa uu ku sheegay inay ka xun yihiin dadkii rayidka ahaa ee lagu dilay qarixii lala beegsaday Hotelka Jaziira, oo ay ku geeriyoodeen ugu yaraan 16 qof oo rayid ahaa.

Hadal ka soo baxay Masar ayaa lagu sheegay inay Dowladda Masar garab taagan yihiin Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed dagaalkooda ka dhanka ah Alshabaab.

Dhinaca kale, Hotelka Jazeera ayaa waxay hoy u tahay Safaaraadaha Qatar, Shiinaha, Imaaraadka Carabta iyo Ergooyinka Shisheeyaha.