Midowga Musharixiinta ayaa ka hadlay Guddigii uu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble u Magacaabay in ay baaritaan ku sameyaan Xaaladda iyo waxa ay ku sugan yihiin Ciidankii Tababarka loogu qaaday dalka Eriterea, kuwaasi oo la sheegay in ay qayb ka yihiin dagaalada ka socda dalka Itoobiyo.
Midowga Musharixiinta aya soodhaweyay go’aanka RW Rooble, waxaana ay sheegen in ay tahay tallaabo loo baahnaa, oo ah mid waqtigeeedii la joogo, maaddama ay jiraan waaliddiin Soomaaliyeed oo arrintan si wayn cabsho kaga muujiyay, sidoo aklena bannaanbaxyo ka dhigay.
Hoos ka akhriso War-Saxaaafeedka Midowga Musharixiinta