Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa socdaal ku maraya Gobalada Bari ee Soomaliland,waxaana xalay uu ku hoyday Magalada Berbara,iyada oo lagu wado in uu tago Magalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer.
Shacabka Magalada Burco ayaa waxa ay sheegeen inaysan u diyaar garoobin soo dhaweynta Madaxweyne Muuse Biixi,isla markaana aysan diyaar u aheyn inay soo dhaweeyaan.
Qaar ka mid ah dadka Burco oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in Madaxweyne Muuse Biixi ay ku dhaliilayaan in uu howlo kale kaga mashquulay,isla markaana howlo badan ay u baahnaayeen Shacabka Gobolka Togdheer uu diiday.
Waxa ay sheegeen in Madaxwene Muuse Biixi uu sidoo kale ka horyimid dhismaha Arrimo muhiim u ah Bulshada Magalada Burco,sigaar ah dhismaha Jaamacad laga hirgelin lahaa Magalada Burco.
Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa haatan waxa uu ku sugan yahay Magalada Berbera,waxana la filayaa in saacadaha soo socda uu safar dhinaca dhulka ah ku tago Magalada Burco ee Xarunta gobolka Togdheer.
Hoos ka Dhageyso Codka Qaar ka mid ah Shacbaka Magalada Burco.