Marwada Madaxweynaha Dalka oo bogaadisay Haweenka Soomaaliyeed

Marwada Madaxweynaha Dalka Sahro Cumar Xasan ayaa Hambalyo ku Aadan 8-da Maarso oo ah maalinta Haweenka Aduunka Waxaa ay u dirtay Haweenka Soomaaliyeed Meelkasta oo ay dunida Ka Joogaan.

Marwo Sahro Cumar Xasan ayaa tilmaamtay in maanta ay qiimo gooni ah u leedahay Haweynka soomaaliyeed Waxaana Haweenka Soomaaliyeed ay ku boorisay in laga Shaqeeyo Horumarka Dalka.

Munaasabado kala duwan oo loogu dabaaldagayo 8-da Maarso ayaa ka soconaysa Gobolada Dalka iyada oo ay xusid mudan tahay in wadooyinka qaar ee magaaladda Muqdisho ay xeran yihiin.