Golaha Wasiirada oo ansixiyay Sharciga doorashooyinka iyo Xisbiyada

Kulanka golaha wasiirada xukuumadda fedraalka ah ee Soomaaliya ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa ahaa mid aan cadi aheyn waxaana ay ku an sixiyeen sharciyo muhiim ah oo laga sugayay waqti dheer.

Kulankaan oo uu shir gudoomiyay ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa qaatay waqti dheer iyada oo ugu dambayntii lagu meel mariyay sharciyada Doorashooyinka iyo kan axsaabta dalka.

Muddooyinkii dambe siyaasiyiin fara badan ayaa ku dhaliilay dowladda fedraalka in aysan diyaarin sharciyadaan iyada oo ay dowladdu ay shaqeynayso muddo 2-sana ah.

Comments
Loading...