Maraykanka oo shaaciyey inay dileen Hoggaamiye Sare oo ka tirsan Xarakadda Alshabaab.

Afhayeenka Waaxda Gaashaandhigga Maraykanka, Kabtan Jeff Davis ayaa sheegay inay duqeyn dhinaca Droneska isbuucii hore ku dileen Hoggaamiye ka tirsan Alshabaab o omagaciisa lagu sheegay Abdirahman Sandhere, balse Alshabaab dhexdooda loogu yiqiinay Cukaash.

Afhayeenka waxa uu tilmaamay in Sarkaalkaasi lagu dilay duqeyn bishan 2-dii ka dhacday Gobalka Sh/hoose.

Dhinaca kale, Xarakadda Alshabaab weli kama hadlin warka ay Maraykanka ku sheegteen inay duqeyn ku dileen Hoggaamiyahaasi.

© Radio Dalsan