Afhayeenka Waaxda Gaashaandhigga Maraykanka, Kabtan Jeff Davis ayaa sheegay inay duqeyn dhinaca Droneska isbuucii hore ku dileen Hoggaamiye ka tirsan Alshabaab o omagaciisa lagu sheegay Abdirahman Sandhere, balse Alshabaab dhexdooda loogu yiqiinay Cukaash.
Afhayeenka waxa uu tilmaamay in Sarkaalkaasi lagu dilay duqeyn bishan 2-dii ka dhacday Gobalka Sh/hoose.
Dhinaca kale, Xarakadda Alshabaab weli kama hadlin warka ay Maraykanka ku sheegteen inay duqeyn ku dileen Hoggaamiyahaasi.
© Radio Dalsan  Â