Maraykanka iyo Kenya oo ka wada arrinsan doono tabaha loola dagaalamayo Xarakadda Alshabaab

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Kenya,  Amina Mohamed iyo Danjiraha Maraykanka u jooga Nairobi, Robert Godek ayaa kulan hordhac  ah ka yeeshay Safarka uu  Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykank lagu wado inuu dhawaan ku yimaado Nairobi.

Labada mas’uul waxay isla meel-dhigeen Ajendayaasha kulanka  Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo John Kerry maalinta Isniinta ku yeelan doonaan Aqalka Dowladda ee magaalladda Nairobi.

Safarka John Kerry ayaa waxaa kaloo qeyb ka ahaa sidii loogu gogol-xaari lahaa Safarka Madaxweyne Barack Obama ku imaan doono Nairbi bartamaha bisha July ee sannadkan.

Wargeyska The Star ayaa qoray inay Labada Mas’uul ka wada xaajoon doonaan walaaca ay Kenya ka qabaan weeraradda Alshabaab iyo qaababka ugu muhiimsan ee ay Labada Dowladood isaga kaashan doonaan La-dagaalanka Alshabaab.

John Kerry waxa uu Madaxweyne Uhuru si kooban ugu soo bandhigi doonaa Qorshaha Maraykanka ee La-dagaalanka Alshabaab, Qalabaynta iyo Tababaradda la siinayo Ciiddanka Kenya iyo sidii la isku dhaafsan lahaa wararka dhinaca Sirdoonka ee dagaalka lagula jiro Xarakadda Alshabaab.

Haweeneyda Afhayeenka ka ah Waaxda Arrimaha dibedda ee Maraykanka, MariyaHaraf ayaa sheegtay inuu John Kerry kala tashan doono Madaxda Kenya  qoddobo badan, o oay ku jiraan Iskaashiga dhinaca Ammaanka, iyadoo laga duulayo weerararadii ay  bishii hore Alshabaab ka geysteen Jamaacadda Garissa, laguna dilay 148 qof oo badankooda arday ahaa.

Dhinaca kale, John Kerry waxa uu la kulmi doonaa Hoggaamiyayaasha Mucaaradka Kenya, oo uu ka dhegeysan doono Aragtidooda ku aadan dhinacyadda Ammaanka, Xuquuqda Aadanaha iyo Dimuqraadiyadda Kenya.