Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka soo laabtay caleema saarka Museveni

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa dalka dib ugu soo laabtey kadib markii uu magaalada Kampala kaga soo qeybgaley caleema saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda, Gen. Yoweri Kaguta Museveni oo mar kale xilka loo doortay.

Madaxweynaha ayaa intii uu joogay Uganda kulan gaar ah la yeeshay Madaxweyne Museveni oo ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka labada dal.
Waxaa kale oo uu Madaxweynaha kulamo kooban la yeeshay qaar ka mid ah madaxdii Afrika iyo caalamka intiisa kale ee ka soo qeybgashey xafladda caleema saarka.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, xubno ka tirsan labada gole, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Geeddi iyo mas’uuliyiin kale.

————-DHAMMAAD———-
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so

IB0A2700
IB0A2685
IB0A2627
IB0A2658
IB0A2443
IB0A2453
IB0A2473
IB0A2510
IB0A2515
IB0A2460
IB0A2549
IB0A2497
IB0A2519
IB0A2607
IB0A2572