Madaxweyne Xaaf”Waxaan Madaxweyne-xigeenka iyo Guddoomiyaha Barlamaanka Galmudug u xanibnay sababo Ammaankooda”

Iyadoo ay weli Qalalaase Siyaasadeed ka dhex aloosan tahay Hoggaaminta Sare ee Dowlad-gobaleedka Galmudug, ayaa waxa uu Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle “Xaaf” difaacay go’aankii lagu xabisay Madaxweyne-ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha Barlamaanka ee Maamulkiisa.

Madaxweyne Xaaf ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu xalay Kulan la yeeshay Xildhibaano iyo Odayaal Dhaqameed u istaagay inay wax ka qabtaan Xiisadda Siyaasadda ee ay ku kala qeybsameen Madaxda Sare ee Galmudug.

Waxa uu faahfaahin ka bixiyey sababaha loo qaatay go’aankii lagu xiray Madaxweyne-ki-xigeenkiisa, Maxamed Cabdi Xaashi “Carabeey” iyo Guddoomiyaha Barlamaanka Galmudug,  Cali Gacal Casir.

Xildhibaano ka mid ahaa Ergadii xalay la kulantay Madaxweyne Xaaf ayaa u sheegay Dalsan Radio inay Saraakiisha Nabadsugida Galmudug kula taliyeen xariga labadaasi mas’uul, si looga hortago inay gacan 3-aad ka faa’ideystaan Qalalaasaha Taagan.

“Talada in la xiro Madaxweyne-ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha Barlamaanka Galmudug waxaa ii soo gudbiyey Saraakiisha Nabadsugidda, Anigana waan ku raacay, si  loo sugo Ammaanka Labadaa Mas’uul, loogana hortago xiisado kale” ayuu yiri Xaaf oo qiil u sameeyey xariga Labadaasi Mas’uul.

Dhinaca kale, Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Dhaqanka ee ku haybta ah Maxamed Cabdi Xaashi iyo Cali Casir Gacal waxay cambaareeyeen Xarigaasi, waxayna ku baaqeen inaan meel looga dhicin Xasanadda ay Sharci ahaan leeyihiin.