Madaxweyne Gaas,oo u dhoofay Sacuudiga kadib taageeradii uu u muujiyay

Cabduweli Maxamed cali Gaas,Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta ka duulay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso isaga oo ku sii jeeda dalka Sacuudiga.

Ujeedada safarkisa ayaa lagu sheegay in ay ka dambeysay kdib tageero uu u muujiyay xulufada Sacuudiga,waxana la sheegay in uu halkaasi kulamo kala duwan uu la qaadan doono madaxda Sacuudiga.

Sidoo kale inta uu ku sugan yahay Sacuudiga ayaa waxaa la rajeynaa in uu ka mid noqdo Xujeyda Sanadkaan ee Gudanaya Waajibaadka Xajka.

Cabduweli Gaas,War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiskiisa ayaa lagu shaaciyay in lagu taageerayo Xulufada uu horkacayo Sacuudiga,kuwaas oo xiriirka u jaray dowladda Qatar.