Madaxweyne Farmaajo oo Hay’adaha Amniga ku amray in Shacabka loo furo Wadooyinka xiran

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku amray Hay’adaha Amniga soomaaliya in ay u furan Wadooyinka xiran oo ay Saacadihii la soo dhaafay dhibaatooyinka ku qabeen.

Qoraal uu madaxweynuhu soo dhigay Bartiisa twitter-ka ayaa waxa uu ku sheegay in amni buuxa lagu heli karo Wadashaqeyn dhexmarta Shacabka iyo Ciidamada sidaas dareedeedna hay’adaha Amniga ay Shacabka Wadooyinka u furan.

“Waxaan farayaa hay’adaha amniga inay shacabka u sahlaan isu socodka magaalada, jidadka xiranna loo furo.

Nabadgelyadu waxay ku timaadaa wadashaqeyn dhexmarta labada dhinac. Shacabku waa inay la shaqeeyaan wiilasha iyo gabdhaha u taagan inay ka difaacaan kooxaha argagixisada.

Sikastaba Mudo laba Maalin oo xiriir ah ayaa waxaa inta badan xirnaa isku-socodka Gaadiidka Dadweynaha ee Magalada Muqdisho,iyada oo maalma kaliya inaga xigaan Bisha Barakeysan ee Ramadaan,waxana Shacabka ay dhibaato ku qabeen xirnaanshaha Wadooyinka.