Sawiro:-Madaxweyne Farmaajo oo dhiigiisa ugu deeqay dadkii ku dhaawacmay qaraxii Soobe

Dadkii ku dhaawacmay qarax ii shalay ka dhacay Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho ayaa haatan waxaa lagu daweynayaa Isbitaalada waaweyn ee ku yaalla Muqdisho halka qaarkood ay dhiig la’aan u geeriyoodeen.

Gurmadyo kala duwan ayaa dadkaasi loo fidinayaa iyada oo dadka intooda badan ay dhiigooda ugu deeqeen dadkii ku dhaawacmay qaraxaas.

Madax iyo Shacab intaba   looma kala harin u gurmadahsada dadkaas, waxaana Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu gaaray Isbitaalka Urdugaan Ex Digfeer ee Magaalada Muqdishgo isaga oo dhiigiisa ugu deeqay qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxaas.

Sidoo kale  waxaa horay dhiigooda ku deqay Wasiirka amniga Maxamed Abuukar Isloow Ducaale Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed iyo Masuuliyiin kale.