Madaxweynaha Turkiga oo isbarbar dhigay Alshabaab, Daacish iyo PKK.

Madaxweynaha dalka Turkiga, Rajab Dayib Erdogan ayaa hadalkaasi ku sheegay mar uu ka hadlay Shirweynaha Madasha 6-aad ee Heerka Sare ee Soomaaliya  (HLPF) iyo Beesha Caalamka oo saakayto  ka furmay  magaalladda Istanbul, iyadoo  ay Shir-guddoominayaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM, Jan Eliassoin.

Madaxweynaha Turkiga waxa uu sheegay inaysan Turkiga wax kala duwanaansho ah u samaynin Kooxaha uu ugu yeeray Argagixisadda, wuxuuna Calaamka ugu baaqay inay qabsadaan Aragtidaasi.

“Waxba nooma kala duwana Alshabaab iyo Daacish, ama Alsnusra ama waxa u dhexeeya PKK, PYD iyo YPG” ayuu yiri Madaxweyne Erdogan oo intaasi ku daray iyadoo aan loo eegaynin waxa ay yihiin.

Waxa uu ku baaqay in la qaado Halgan ka dhan ah Cabsidaasi, isagoo carrabka ku adkeeyey inay Argagixiso tahay Argagixiso, waa sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, Shirweynaha looga hadlayo Arrimaha Somalia ee maanta ka furmay magaalladda Istanbul waxaa ka qeyb galayo Ergooyin Caalami ah oo ka kala yimid 51-Waddan.

Shirkaasi oo socon doona muddo 2 maalmood waxaa looga hadlayaa Dadaalka Dib-u-dhiska Somalia.

©Radio Dalsan