Madaxweynaha Sudan oo tababar u soo xiray Saraakiil dowlada Soomaaliya ka tirsan oo lagu tababaray dalkasi

Madaxweynaha Wadanka Sudan Cumar Xasan Al Bashiir iyo Wasiirka gaashandhiga wadankasi oo ay wehliyan madaxda safaarada Soomaalida ee Sudan ayaa tababar ugu soo xiray magaalada Khartoum saraakiil ka tirsan dowlada Soomaaliya.

Wakaalada Wararka SONNA ayaa sheegaysa in ciidamada tababarka loo soo xiray ay dhoola tus wanaagsan ku soo bandhigen munaasabadasi.

SONNA ma aysan sheegin tirada saraakiisha ee tababarka loogu soo xiray wadanka Sudan iyo darajada ay kala leeyihiin.

Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa fursado tababar waxa ay ka helaan dalalka xiriirka dhaw la leh dowlada Soomaaliya oo ay ku jiraan Turkiga iyo Sudan.