Maamulka Koonfur Galbeed oo ku dhawaaqay howlgalo ka dhan ah Al Shabab

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ku dhawaaqay in ciidamada maamulkiisa oo garab ka helaya AMISOM ay bilaabayan howlgalo cusub oo ka dhan ah Al Shabab.

Warbaahinta dowlada Soomaaliya ayaa sheegeysa in Shariif Xasan Sheekh Aadan uu shaaca ka qaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan loo bilaabi doono howlgaladasi oo laga fulin doono deeganada maamulka Koonfur Galbeed.

Ciidamada maamulkasi oo garab ka helaya Nabad sugida Soomaaliya iyo AMISOM ayaa dhawaan ka hortagay weerar ismiidaamin ahaa oo lala damacsanaa magaalada Baydhabo kadib markii ay weeraren guri ku yaala duleedka Buur Hakaba halkasi oo uu dagaal xoogan ka dhacay.

Al Shabab ayaa Weeraro xoogan ka fulisa deegaanada maamulka Koonfur Galbeed gaar ahaan magaalada Baydhabo oo ay Al Shabab ku qaaden weerarkii ugu xooganaa xarunta madaxtooyada Shariif Xasan Sheekh Aadan sanadkii hore.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor