Madaxweynaha oo khudbad ka badan 1 saac ka jeediyay Baarlamaanka

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo maanta Kulan baarlamaanka uu ku yeeshay Xaruntiisa Golaha Shacabka Muqdisho hor yimid, ayaa halkasi ka sheegay xaaladaha taagan ee dhinacyada siyaasadeed ama amaan iyo sida ay dowladdu uga gudbi karto caqabadaha hor taagan.

Waxa uu ku dheeraaday waanada iyo in ay dadku ahaadaan kuwa u qidmeeya dalkooda, si looga gudbo dhibaatooyinka jira.

Waxa uu sido kale ka codsaday baarlamaanka in ay wax kasta u wajahan sida uu wadanka ugu yahay xal iyo badbaado.

Madaxweyne Xasan Waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in ay dadku ka tagaan wararka hubanti la;aanta ah.

Qudbadda Madaxweynaha oo hal saac iyo 15 daqiiqo ahayd waxa kaloo uu uga hadlay doorka shacabka looga baahan yahay in ay ka qaataan, oo waxa uu sheegay in ay iyaguna ku eegan dowladda wax ka qabashada xaalado badan oo ka jira wadanka, sida arrimaha amaanka oo loo baahan yahay in laga shaqeeyo ciidamada.