(SAWIRO): Reer London oo ka argagaxay Qarax Bas oo qeyb ka ah Filimka Jackie Chan.

Goobjoogayaal ayaa ruxmay, kadib, markii Bas uu maanta ku dul qarxay Buundada Lambeth Bridge ee magaalladda London, iyadoo Muuqaalkaasi la mid ahaa Qaraxyaddii naxdinta badnaa 7/7 Bombings.

Baskaasi ayaa la arkayey iyadoo uu saqafka sare ka haadayo, ka hor inta uusan qabsanin qarax ay si aad ah uga naxeen dadkii aan ka war hanin inuu qaraxaasi qeyb ka yahay Filimka cusub ee Jilaaga Jackie Chan.

Filimkaasi oo lagu magacaabo Shisheeyaha ama “The Foreigner” ayaa waxaa haatan wax-soo-saarkiisa lagu samaynayaa magaalladda London, iyadoo Filimkaasi yahay mid Jilitaankiisa ku baxayso Malaayiin Pound.

Dadka arkay uuradda iyo ololka ka dhashay Qaraxaasi macmalka ah ee Baska ku ololay Buundada Lambeth ee London waxay dib u soo xusuusteen qaraxyaddii London ka dhacay Bishii July 7-dii ee sannadkii 2005-tii, kadib, markii ay rag Argagixiso ahaa weerareen Goobaha Gaadiidka Dadweynaha ee magaalladda London, iyagoo dilay 52-qof.

Sawirka Qarixii Baska ee Filimka Jackie Chan ee maanta ka dhaacay London, waxaa  durbadiiba lagu baahiyey Twitterka, iyadoo la soo dhigay Muuqaalka Ololka Baskaasi.

Qeybta Dab-damiska London, waxay iyagana Warbaahinta Bulshadda (Social Media) ku sheegeen inuu Qaraxu ahaa Filim ee uusan weerar ahayn.

Si kastaba ha ahaatee, Filimka Jilaaga Jackie Chan ee uu ku samaynayo magaalladda London ayaa waxa uu ku saabsan yahay  iyadoo ay gabadhiisa ku geeriyoonayso Weerar Argagixiso, taasi oo ugu dambayntii isaga ku kalifayso inuu qarax la beegsado Kooxdii Argagixisadda ee dilay gabadhiisa.

Filinka Shisheeye “The Foreigner” waxaa la daawan doonaa sannadkan gudihiisa.

Si kastaba ha ahaatee, Jilaaga Jackie Chan waxaa la dhihi kara waxa uu maanta ka habaarsaday dad badan oo ka mid ah Reer London oo uu soo xusuusiyey Is-qarxintii Naxdinta lahayd 7/7 Bombings.

LONDON 5 london4444 london333 london000 LONDON 2 LONDON 1 bus explosion

Waxaa Turjumay: Ahmed Hagi Ugaaska

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor